Dhageyso:-Yuusuf Dabageed”Qofkii dambe uu soo Magacaabo Wasiir Caadle waan ku celineynaa”

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa dhaliilay magacaabista mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo habka loo marayo kuwaas oo xilligaan noqday kuwa isdaba-joog ah.

Waxa uu sheegay in Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle looga baahan yahay in uu wadatashi kala sameeyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Magacaabista hadii kale lagu celin doono.

“Gobolka Hiiraan ma ahan meel dowladnimada lagu barbarto hadii wasiir Caadle markale uu soo Magacaabo qof uusan igala tahasn kama yeeli doono waana ku celineynaa,ama Madaxda Hir-Shabeelle ayaan ku dacweyneynaa ee sidaas ha aogaado ayuu yiri Guddoomiye Dabageed.

Gobolka Hiiraan ayaa bilihii u dambeysay waxaa ku soo batay isbedelada lagu sameynayo mudo bil gudahood ah Maamulada degmooyinka iyo talisyada Ciidamada taas oo keentay in guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan in uu ka hadlo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor