DHAGEYSO: Wiil uu Dhalay Nabadoon Muqdisho Lagu Toogtay oo Ka Hadlay Dilka Aabihiis

Allaha unaxariistee waxaa demada Waabari ee gobolka banaadir ay kooxo hubeysan ku toogteen Nabadoon C/qaadir Ugaas Farey oo ka mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed.

Maxamed Ugaas C/qaadir oo uu dhalay Nabadoonka la dilay ayaa Radio Dalsan uga waramay dilka Aabihiis, waxaana uu sheegay in wiilal dhalinyaro ku hubeysan bastoolado ay madaxa ka toogteen, xilli uu ku sugnaa buuntada Ansalooti dhanka degmada Waabari.

Marxuum C/qaadir ayaa ahaa Nabadoonada Soomaaliyeed, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa odayaashii wax ka soo doortay baarlamaanka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media