Dhageyso:-Tirada Soomaalida ku dhimatay dagaalka Yaman oo la shaaciyay

Weli waxaa dalka Yaman ka jira xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya Ciidamada daacada u ah Dowladda la aqoonsan yahay ee dalkaasi Yaman oo awood ka helaya sibaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga iyo kooxda Xuutiyiinta.

Dagaaladaas oo soo bilaawday Sanadkii 2015k– ayaa waxaa khasaaraha ugu badan ay ka soo gaartay dadka rayidka ah,iyada oo dadka ku dhintay ay ku jiraan dad Soomaali ah.

Qunsulkii hore ee Soomaalia ee Magalada Cadan ahan Qunsulka Safaarada Soomaaliyeed ee Suudanka Koonfureed Xuseen Xaaji ayaa sheegay in tan iyo markii dagaalka Yaman uu soo bilaawday ay ku geeriyoodeen in ka badan 400 oo ruux.

Waxa uu shegay in xilligaan marka laga soo tago dagaalada ay Soomaalida dhibaatooyin dhanka nolosha ah ay heysato.

Dagaalka dalka Yaman oo socda in dhow 4 Sano ayaanan weli xal loo helin,waxaana dalkaasi Qaxooti ku ah Soomaali farabadna oo dhibaatooyin kala duwan ay ku heystaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Danjire Xuseen Xaaji.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor