Dhageyso:- Taliyaha Booliiska degmada Jalalaqsi oo amar bixiyay kana hor yimid shaqo joojin lagu sameeyay

Taliyaha saldhigga booliiska degamada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad ayaa ka hor yimid shaqo joojin uu ku sameeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Muxumud Caraale,iyada oo halkaas ay ka taagantahay xiisad ka dhalatay amar diidadaas.

Muuse Salaad  Taliyaha saldhigga booliiska degmada Jalalaqsi ayaa lagu eedeyay in uu masuul ka ahaa abaabulka dagaal dhex maray ciidmaada Hirshabelle ee ku sugan degmada iyo ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti oo saldhig ku hel halkaas.

Cali Muxumud Carale guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa shalay waxa uu gaaray degmada Jalalaqsi si uu u damiyo xiisadddaas waxaase la amray taliyaha saldhigga in shaqada uu joojiyo taas oo uu aad uga biya diiday sheegayna in aysan jirin cid shaqada ka jooji karta oo aan aheyn taliska guud ee booliiska Hirshabelle.

Halkaa Ka Dhageyso Weriyaha Dalsan Musaf Cali Caddo woo ka waramaya xaaladda magaalada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media