Taliska Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inay dad u soo xireen dilalkii Maanta ka dhacay Magalada muqdisho oo ay ku jirtay Aamino Xuseen Xasan oo maanta barqadii lagu dhex dilay Jaamacad ay dhiganeysay.
Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay inay hayan ilaa 8 ruux oo lagu eedeynayo ilaa 4 dil oo Maanta ka dhacay Magalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in dilalka dadka loo soo qabtay ay yihiin,Aamino xuseen xasan oo lagu dhex dilay Jaamacadda Soomaaliya(Uniso),Masul ka tirsanaa Maamulka G/Banaadir oo lagu dilay Agagaarka Daarta seybiyaano iyo Ninkii Odayga ahaa ee la dilay kadibna la gubay,kadib markii loogu tegay Garaash uu ku lahaa Xaafada Towfiiq.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dadkaas ay baaris ku socoto,isla markaana qofkii ay ku cadaato maxkamad lahorgeyn doono.
Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal cabdullaahi Xasan Bariise.