Dhageyso:-Taliska Booliska Baladweyne oo faah faahiyey dilka Tawane Ciilow

Xalay fiidkii ayaa waxaa duleedka Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan lagu diley Tawane Ciilow oo ka mid ahaa Ganacsatada Magalada Baladweyne.

Taliska Ciidamada xasilinta ee Magalada Baladweyne ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen dilkaas,waxana ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada xasilinta ee Magalada Baladweyne Axmed CAbdullaahi Cabdi ayaa sheegay in Shaqsiga la dilay uu ka Ganacsado qaadka,isla markaana xilliga la dilayey uu ku wajahnaa hooygiisa balse ay wadada u galeen Al-Shabaab.

Waxa uu ku eedeeyay in Al-Shabaab ay si bareer ah u toogteen Tawane Ciilow,sidoo kalena ay ka qaateen Gaari uu watay.

Isaga oo wareys iinayey Idaacadda Dalsan ee Magalada Muqdisho Taliyaha Ciidamada xasilinta ee Magalada Baladweyne Axmed Cabdullaahi Cabdi ayuu sheegay inay wadaan howlo baaritaano ah oo ay ku soo qabanayaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Laba habeen oo isku-xigta ayaa waxaa Baladweyne ka dhacay dilal,iyada oo habeen ka hor dilkii ka dhacay ay masuuliyadiisa sheegteen Al-Shabaab,iyaga oo sheegay inay dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor