Dhageyso:-Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ku geeriyooday shil ka dhacay Sh/dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee Maanta shil gaari oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Mahadaay uu ku geeriyooday Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka geeriyooday oo lagu Magacaabi jiray Muqtaar Cali Xuseen ayaa waxaa uu shil ku galay gaarigiisa inta u dhaxeysa degmada Mahadaay iyo deegaanka buurane,sida uu dalsan u sheegay Gaashaanle sare Cumar Cali Cadow.

Waxa uu sheegay in Muqtaar Cali Xuseen ee shilka gaari ku geeriyooday uu ahaa Taliyaha horin ka tirsan Guutada labaad ee Ciidamada xoogga dalka soomaaliya,isla markaana shilkaasi uu dhaawac culus ka soo gaaray mid ka mid ah ilaaladiisa.

Warar soo baxayey ayaa waxa ay sheegayeen in ka hor inta uusan rogmanin gaariga uu saarnaa rasaas lagu furay balse Gaashaanle sare Cumar Cali Cadow ayaa warkaasi been abuur ku tilmaamay,waxana uu sheegay in mudo dhowr bilood ka hor ay dhacdadaas aheyd balse dhaawac ka soo gaarey laga daweeyey.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gaashaanle sare Cumar Cali Cadow oo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor