Dhageyso:-Qalbi-Dhagax oo Soomaaliland ka codsaday xalinta dhibaatooyinka ka jira Somalia

Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha ONLF oo shalay gaaray Magalada Hargeysa Soomaaliland ayaa waxaa uu booqday Xarunta Golaha Wakiilada Soomaaliland ee Magalada Hargeysa.

Waxa uu kulan la qaatay Guddoonka labada Aqal,iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xalinta wixii dhibaatooyin ah ee ka dhex jira Soomaalida dhexdeeda.

Kulanka kadib Qalbi-Dhagax oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Guddoonka Golaha Wakiilada uu kala hadlay maslaxada guud ee ka dhaxeysa dadka Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay arrimaha amniga.

Waxa uu ka codsaday Soomaaliland inay ka qeyb qaataan sidii xal looga gaari lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya iyo dhinaca dib u heshiisiinta.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland Bashe Maxamed faarax ayaa waxa uu sheegay in cidkasta oo Soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan,isla markaana ay diyaar u yihiin la hadalkooda.

Hoos Ka Dhageyso Codka labada Masuul.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor