Dhageyso:-Mucaaradka iyo Shacabka Jabuuti oo ka hadlay xalinta khilaafka Eritrea & Jabuuti

Maalmihii la soo dhaafay waxaa socday waan waan laga dhex waday dowladaha Jabuuti iyo Eritrea,kaas oo ay garwadeen ka yihiin Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya,waxana soo dhaweeyey Mucaaradka iyo Shacabka dalkaas.

Qaar ka mid dadka Jabuuti ayaa waxa ay sheegeen in ay tahay wax lagu farxo tallaabada loo qaaday xalinta khilaafka mudada dheer u dhaxeeyey Wadamada Eritrea iyo Jabuuti,iyaga oo sheegay inay tahay guul u soo hoyatay dadka Reer Jabuuti.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in dalalka Soomaaliya Jabuuti iyo Eritrea ay yihiin hal dala,isla markaana heshiiska ay wada gaaraan labada dal ay ku jirto Nabada gobolka.

Dhinaca kale kooxaha Mucaaradka Siyaasada dalka Jabuuti ayaa iyana soo dhaweeyey howlaha Nabadeed ee ka socda Wadamada Geeska Afrika wallow ay dhaliil ka muujiyeen wadada loo maray heshiiskaas.

Cabdiraxmaan Maxamed Geelle duqii hore ee Magalada Jabuuti kana mid ah Madaxda Mucaaradka Siyaasada dalka Jabuuti ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid wanagsan balse ay jiraan howllo kale oo si qarsoodi ah.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya,Madaxweynaha  Eritrea iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee Asmara ku shiray ay ku kulmi kareen Adis Ababa balse sababtii ay u tageen Asmara ay tahay in shirkasi uusan ka qeyb galin Madaxweynaha Jabuuti.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in dowladda Jabuuti aysan ka mid aheyn Golaha Nabadgelyada iyo horumarka  ee lagu saxiixay Magalada asmara ee dalka Erateria.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Shacabka Jabuuti.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor