Dhageyso:- MD Jubbaland oo ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya DFS iyo xarigga Wasiirka Amniga

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir jiraa’iid u qabtay Saxaafada ayaa markii ugu horaysay ka  hadlay doorashooyinkii iska soo hor jeeday ee ka dhacay Jubbaland 22 Ogoosto 2019.

Madaxweynahu wuxuu ka hadlay Doorashadii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee dhawaan Jubbaland ka dhacday Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland iyo Afduubka loo haysto wasiirka Amniga Jubbaland mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay Arimaha ammaanka dalka iyo Doorashooyinka 2020

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dadweynaha reer Jubbaland sida ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay socdeen isagoo sidoo kale ku amaanay Hay’adaha amaanka iyo Sarakiishooda sida ay uga soo dhalaaleen shaqadooda sugida nabadgalyada.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in jawaabta midan xigta ay noqon doonto mid ka badalan marxalada hada la joogo hadii Madaxda Dowlada Federaalku ayna wax ka badalin wadada ay ku socdaan.

Halkaan Ka Dhageyso Codka 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media