Dhageyso:-Maxaa ka jira in guddoomiyihii Gobolka Hiiraan shuruud ku xiray inuu xilka wareejiyo?

Waxaa jiray Warar soo baxayay warar sheegayay in guddoomiyihii dhawan xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow uu shuruud ku xiray in uu diiday wareejinta xilkaas,balse uu ka hadlay.

Hadaba Radio Dalsan ayuu la soo xiriiray waxana wax laga weeydiiyey waxa ka jira arrintaas iyo waxa ka jira in dhaqaalo farabadan ka gashay dhismaha Wadooyinkii ku bur buray fahataadii iyo roobabkii ka da’ay Magalada Baladweyne.

Waxa uu sheegay in mashruucii lagu dhisay Wadooyinkaas dad farbadan oo reer Hiiraan ah ay dhaqaalo badan ku bixiyeen,isla markaana Shaqooyinkaas oo diil loo qabtay in dadkii ka barakacay Baladweyne ay dib u soo laabtaan,isaguna uu ka mid ahaa dadkii hogaaminayey.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in uu diyaar u yahay inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan yuusuf Axmed Hagar(Dabageed).

Gaba gabadii waxa uu sheegay in isagu uu xiriir la sameeyey guddoomiyaha Cuusb ee Gobolka Hiiraan,uguna hambalyeeyey xilkaasi loo Magacaabay lana Sahqeyn doono.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor