Dhageyso:-Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle oo Shaaciyay in dowlado Shisheeye ku lug lahaayeen Shirkii Kismaayo

Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ka soo horjeestay qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Iskaashigda dowlad Goboleedyada ee ka dhacay Magalada Kismaayo.
Wareysi uu siiyey Warbaahinta Dalsan ayuu ku sheegay in waxa ay ka cabanayaan maamul Goboleedyada aysan aheyn wax jira ,isla markaana ay ku lug leeyihiin dowladdo shisheeye.
Waxa uu sheegay in qodobadii ka soo baxay shirkii Magalada Kismaayo uu yahay mid laga leeyahay ujeedooyin gaar ah,isla markaana ay yihiin qaran dumisnimo sida uu hadalka u dhigay.
Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah kuwo sii xoogeystay,waxaana jira Siyaasiyiin walaac ka muujinaya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Cali Cabdullaahi Cosoble.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Cali Cabdullaahi Cosoble. 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor