Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyay faragelin Itoobiya ku heysay Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay shaaciyay ina 30-Sanno kahor fargelin lagu haayay Soomaaliya sigaar ah ay ku heysay  Dowladda Federaalka Itoobiya faragelin toos ah  Arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu la kulmay dhowr Sano kahor Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Xayle Mariam,isla markaana uu ka dalbaday inay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan dalka Soomaaliya.

Hayeeshee uu sheegay in taasi ay dhalisay heerka Maanta ay soomaaliya joogto iyo xiriirka tooska ah ee dhanka Siyaasada oo ay la leedahay Wadamada Gobolka.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in bilihii ugu dambeeyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed uu la yimid isbedel Siyaasadeed oo saameyn ku leh Soomaaliya,waxaana uu Madaxweyne Farmaajo ka warbixiyay shirarkii dhexmaray wadamada Soomaalia Itoobiya iyo Eriteriya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowr jeer Gooboog ka noqday kulamo heshiisiineed oo ay yeesheen Madaxda wadamada Itoobiya iyo Eriteriya,taas oo lagu dhameeyay dagaalkii mudada 20-ka Sano ka badan u dhaxeeyay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor