Dhageyso:-Maamulka Gobolka Hiiraan oo Go’aamiyay in la dilo qofkii isbaara dhigta

Kadib kulan ay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan iyo Odayaasha Dhaqanka mid ka mid ah beelaha dega Magaaladaas ay yeesheen ayaa waxa ay ku go’aamiyeen la toogto dadka Isbaarooyinka dhigta.

Qaar ka mid ah waxgaradka oo kulanka ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in aysan raali ka noqon doonin in la dhibaateeyo dadka Shacabka ee ku sugan gobolka Hiiraan,isla markaana ay raali ka yihiin in la toogto qofkii lagu arko,isaga oo isbaaro dhiganaya.

Kulanka ayaa waxaa laga akhriyay Wareegto ka soo baxday Xafiiska guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf axmed Hagar(Dabageed)

Qodobada ku xusnaa Wareegatda ayaa waxaa ka mid ah in Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Odayaasha Dhaqanka gobolkaas inay ku heshiiyeen in la toogto qofkii lagu arko,isaga oo isbaaro dhiganaya.

2: In qofkii isaga oo Isbaaro jooga qof dila in ay masuul ka yihiin Odayaasha Dhaqanka Beesha uu ka dhashay qofka wax dilay iyo qodobo kale.

Odayaasha Dhaqanka ee Kulanka  Goobjooga ka ahaa ayaa aad u soo dhaweeyay amarada ka soo baxay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf axmed Hagar(Dabageed).

Codka Odayaasha Dhaqnaka Kulanka ka qeyb galay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor