Dhageyso:-Ku dhawaad 20-ruux oo ku Sumoobay Hilib ay Cuneen deegaan ka tirsan G/Galgaduud

Dadka sumoobay ayaa waxa ay ku nool yihiin deegaanka Haraare oo ku yaalla duleedka degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud,waxaana faah faahin ka bixiyay maamulka degmada Balanbale ee Gobolkaasi Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Balanbale oo Caawa la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in dadkaasi ay ku sumoobeen Neef Geel ah oo ay qasheen,isla markaana la geeyey Isbitaalo ku kala yaala degmooyinka Balanbale iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in Neef kaas Geelaha loo sheegay inuu ahaa mid jiran,balse dadkii ku sumoobay ay haatan yihiin kuwo Matagaya,isl markaana xaaladooda ay tahay mid wanaagsan.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha degmada Balanbale oo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor