Dhageyso:-Korneel Caare oo ku hanjabay in uu weerari doono Hargeysa

Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaano Korneel Caare horayna uga soo goostay Ciidamada Soomaaliland ayaa ku hanjabay in uu dhawaan weerari doono dhamaan deegaanada maamulka Soomaaliland.

Korneel Caare iyo Ciidamo uu wato ayaa habeen kahor weeraray deegaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag,waxana uu sheegay in dagaalkaas guulo ka gaaray.

Shir Jaraa’id uu Warbaahinta u qabtay ayuu sheegay in uu dhawaan weerari doono Magalada Hargeyso,sidoo kalena uu beegsan doono Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan Jabhadda uu hoggaaminayo ay meel walba kaga sugan yihiin deegaanada Soomaalialnd,isla markaana u diyaar garoobeen dagaalka ka dhanka ah Soomaaliland.

Sarkaalkaas ayaa la aaminsan yahay inay Puntland dabada ka riixeyso,waxaana markii uu ka goostay Soomaaliland uu fariisin ka sameysaty Magalada Khardho,iyada oo ay siweyn u soo dhaweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor