Dhageyso:-Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in waqtigaan loo baahan yahay in laga wada Shaqeeyo sugida dhanka Amniga iyo dardar gelinta dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab

Waxa uu sheegay in Koonfur Galbeed oo kaashaneysa Ciidamada AMISOM ay bilaabeyso howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo looga saarayo deegaanada Koonfur Galbeed ay kaga sugan yihiin.

Waxa uu soo hadal qaaday Ciidamada isku-dhafka ah oo ay Dowlad Goboleedyadu sheegeen inay sameysanayaan,waxana uu sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan xureynta dalka.

Madaxweynaha Maamulka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa tiro ka dhowr jeer ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab balse hadalkaas uusan noqon mid ficil isku bedela.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor