Dhageyso:-Khasaaro ka dhashay Gaari Ciidan oo Shil ku galay M/Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Shil Gaari oo Maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Garoonka Kubadda Kollayga Stadium Wiish iyo KM0,ee gobolkaan Banaadir.

Shilka ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen gaari Ciidan Nooca Cabdi Bilaha ah iyo gaari kale oo ay dad Shacab ah wateen,waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsanaa Ciidamadii saarnaa Gaariga Cabdi Bilaha ah.

Intaas ka dib mid ka mid ah Askartii sarnaa Gaariga Cabdi Bilaha ah ayaa Warbaahinta u Sharaxay qaabkii uu shilkaan u dhacay iyo waliba isagoo sheegay in taasi ay ku timid in uusan Darawalka waday gaariga aqoon buuxda u laheyn Wadista Gaariga.

Dhanka kale Gariga kale ay wateen dadka Shacabka ah ayaa isna waxaa soo gaaray burbur ka dib markii uu ku dhacay Gaariga Ciidan ee Cabdi Bilaha ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media