Dhageyso:-K/Galbeed oo Ciidamadeeda amartay in tallaabo ka qaadaan Siyaasiyiinta..

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay waxa uu  soo saarey digniin ku socota Siyaasiyiinta ku sugan deegaanada maamulkaas.

Digniintaan ayaa waxaa shaaciyey Wasiirka Wasaarada amniga maamulka koofur galbeed Xasan Xuseen Maxamed(Eelaay),isaga oo sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin Siyaasiyiin marin habaabinaya dadka Shacabka ah.

Waxa uu sheegay in cidkasta oo dadka ku abuureysa dhibaatooyin aan waxba ka jirin tallaabo lag qaadi doono,waxa uuna amray in tallaabo sharci ah laga qaado cidkasta oo dhaliilo been ah shacabka u soo jeedisa.

Mas’uuliyiinta Maamulada Gobolalada Baay iyo Bakool ayuu farey in ay farta ku fiiqaan cidkasta oo ay arkaan,iyada oo ku howlan dhibaateynta Shacabka Koonfur Galbeed oo qaarkood ay ku sugan yihiin deegaano ay Go’doomiyeen Al-Shabaab.

Hadalka Wasiirka Wasiirka Wasaarada amniga maamulka koofur galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan Siyaasiyiin dhaliilsan Siyaasada Madaxweyne Shariif Xasan,kuwaas oo sameynayey kulamo ay uga soo horjeedaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Wasaarada amniga maamulka koofur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor