Dhageyso:-Jubbaland oo jawaab ka bixisay qoraalkii ka soo baxay Golaha Aqalka Sare

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay qoraalkii Maanta ka soo baxay Guddigii aqalka Sare u xilsaartay xalinta khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada,oo ay gudigaas sheegeen in xal laga gaaray.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aanka ay Aqalka sare soo saareen Jubbaland ay soo dhaweyneyso,hayeeshee aysan micnaheedu aheyn inuu dhamaaday khilaafka Dowladda iyo Dowlad goboleedyada.

Waxa uu sheegay in la xaliyay qeyb ka mid ah tabashooyinkii ay qabeen,balse tan ay tahay wajiga 1aad oo la doonayo inay fuliso dowladda Federaalka Soomaaliya Warka ka soo baxay Guddiga Aqalka Sare.

Isaga oo sii hadalayay Wasiirka Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni ayaa waxa uu sheegay inay jiraan qodobo ay ka caga jiideyso fulintooda dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwaas oo aan ku jirin 8-da qodob ay Guddiga Aqalka Sare soo saareen.

Ugu dambeyn Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland ay sugeyso jawaabta fulinta qodobada kusoo baxay qoraalka golaha Baarlamaanka ee Aqalka sare.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor