Dhageyso:-Jubbaland oo sheegtay inay dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab+Sawirro

Ciidamada Darawiishta Jubbaland iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60km u jirta Magalada Kismaayo.

Howlgalkaan oo dhacay aroornimadii hore ee saakay ayaa waxaa lagu qaaday fariisin Al-Shabaab ku leeyihiin aaga deegaanka Janaay Cadalla iyo deegaano kale.

Taliyaha Ciidamada qeybta 43,aad ee Danab Jubaland Xasan Aadan Maxamed Ciraaqi ayaa sheegay Ilaa 17 kamid ah Al-Shabaab oo saraakiil ay ku jiraan in lagu dilay howlgalkaas,isla markaana laga soo furtay hub kala duwan oo ay heysteen.

Waxa uu sheegay in sidoo kale howlgalka laga fuliyey deegaano u dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hosoe oo ay maamulaan Al-Shabaab,isaga oo soo bandhigay 6 qori AK47 iyo laba BKM ama Dabajeexa iyo hal isgaarsiinta Ciidanka ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada qeybta 43,aad ee Danab Jubaland Xasan Aadan Maxamed Ciraaqi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor