Dhageyso:-Guddoomiye Baashe Yuusuf “Waan la dagaalameynaa dadka isticmaalaya dukumiintiyada Been abuurka ah”

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in shir ay yeesheen  Garsoorka dalka iyo Hay’adaha kale ee Cadaalada ku lugta leh,sida Maxkamadaha dalka,Booliska Xeer ilaalinta,Wasaaradda Amniga iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Waxa uu sheegay in kulamadaas la isugu raacay sidii looga hortegi lahaa caqabadaha hortaagan in shacabka soomaaliyeed ay helaan Garsoor,iyo sidii ay ku fuli lahaayeen Go’aanada ka soo baxa Maxkamadaha dalka.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ayaa sheegay in la bilaabi doono qorsho lagula dagaalami doono dadka isticmaalaya dukumiintiyada dowladdu leedahay ee laga been abuuro.

Hadalka guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa ku soo aadaya xiili ay jirto cabasho qaar ka mid ah Shacbaka Soomaaliyeed ay ka keenaan Garsoorka dalka,balse guddoomiyaha Maxkamada sare uu sheegay in wax badan laga qaban doono.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkamada Sare.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor