Dhageyso:-Guddoomiyaha G/Hiiraan oo u digay Dadka aada Maxkamada Al-Shabaab

Guddoomiyaha Cuusb ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed) ayaa digniin kama dambeys ah u diray dadka Garsoorka u doonta deegaanada Gobolka Hiiraan ay kaga sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in cid alaalada iyo cidii aada deegaanada Booco iyo luuqa-jeeloow oo ah duleedka Baladweyne oo ay Maxkamado ku leeyihiin Al-Shabaab tallaabo cad uu maamulku ka qaadi doono.

“Dadka Maxkamada u aada deegaanada Al-Shabaab waan xireynaa Shan kun oo dollar ayaan ganaaxeynaa iska aada Booco iyo Luuq jeelow,reer hebel ayaad tihiin cid idin soo qabaneyso majirtee iska aada baladweyne ayaan ku kala baxeynaa ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Inta badan Maamulada dalka ka jira ayaa dadka ku nool deegaanada ay maamulaan waxa ay ku eedeeyaan inay Garsoor u doontaan Maxkamada ay maamulaan Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor