Dhageyso:-Galmudug oo faah faahisay Gaadiid ku xayiran Duleedka Cadaado

Maamulka Galmudug Garabka Magalada Cadaado ayaa faah faahin ka bixiyay Gaadiid kuwa Xamuulka qaado oo Maalintii Saddexaad ku xayiraan duleedka Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Gaadiidkaas oo gaaraya lix,isla markaana ah kuwa Soomaalida u taqaano(Candhameydlaha) ayaa looga shakiyay in ay hub sidaan kuna wajahan yihiin Magalada Dhuusamareeb,sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug.

Wasiirka Madaxtooyada Galmudug ee Garabka Cadaado Cumar Maxamed Diiriye(Guureeye) ayaa sheegay in Gaadiidkaas loo diray guddi baaritaano ku sameynayo maadaama laga shakiyay.

Isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da ayuu sheegay in ilaa iyo hadda aan la ogeyn waxyaabaha ay sidaan balse markii uu baaritaanka ku soo dhamaado ay faah faahin ka bixin doonaan.

Tallaabada Gaadiidkan lagu xayiray ayaa ku soo aadeysa xilli Warar soo baxayay ay sheegayaan in Gaadiid ay leedahay Qaramada Midoobay oo aan xabada Karin loo diiday inay maraan Cadaado,kuwaas oo horudhac u ah wafdi uu hogaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay oo tegi lahaa Dhuusamareeb balse ka baaqsaday.

Hoos Ka Dhageyso Codka wasiirka Madaxtooyada Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor