Dhageyso:-Galmudug Garabka Cadaado oo soo dhaweeyay baaqii Madaxweyne Farmaajo+Sawirro

Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubno ka tirsan Golaha wasiirada Galmudug garabka ku sugan Magaaladaas,iyaga oo kulankooda uga hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Axmed Maxamuud Xasan Baasto oo dhawaan Xildhibaanada Galmudug Garabka Cadaado ay u doorteen Madaxweynaha Galmudug.

Kulanka ayaa Golaha wasiirada waxa ay soo dhaweeyay shirkii dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha soomaaliya ee loogu yeeray dowlad goboleedyada si xal looga gaaro khilaafka Madaxda Dowladda iyo Dowlad goboleedyada.

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxa ay shirka ku soo bandhigeen waxyaabaha u qabsoomay iyo Shaqooyinka weli horyaalla.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Cabdirahaan Heelos ayaa Warbaahinta u Akhriyay qodobadii ka soo baxay shirkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor