Dhageyso:-Ehelada Haween ay afduubteen Ciidanka Liyuu Booliis oo baaq u diray dowladda Somaaliya

Ciidamada Liyuu Booliis ayaa lagu eedeeyay in Maalmihii u dambeysay ay afduub ka geysanayeen qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud iyagoo afduubanayay Haweenka in kastoo weli aan la cadeen sababta ka dambeysay falkaas afduubka ah oo ay ku kacayaan Ciidamada Liyuu Booliis ee ka dhisan dowlad deegaanka Somaalida Itoobiya ee loo yaqaano kilinka Shanaad.

Fartuun Cawil Cabdulle oo Ehelo la ah Haweenka ay  afduubteen Ciidamada Liyuu Booliis oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Muqdisho ayaa sheegtay in markii hore Hooyadeed oo lagu magacaabo Nasteexo Faarax Axmed Nuuray afduubteen Ciidamo Maleeshiyaad ah  islamarkaan ay ku wareejiyeen Ciidanka Liyuu Booliis.

Waxa ay sheegtay in ay iyagu yihiin dad xoolo dhaqato ah oo ku nool Tuulo lagu magacaabo Tuulo Qorax oo u dhow deegaanka Kaxandhaale islamarkaana Hooyaded la heesto muo ka badan 6 Maalmood islamarkaana lala afduubtay Haweeneey kale oo la socota.

Waxay hadalkeeda intaas raacisay in warar kala duwan ay ka soo baxayaan afduubkaas islamarkaana loo sheegay in lagu haayo deegaanka Kaxandhaale ayna gacanta ku hayaan ciidamada Liyuu Booliis kana walwalsan yihiin.

Gaba gabadii ayaa waxa ay dalbatay in garab laga siiyo sidii loo sii deyn lahaa Hooyadeed iyo Haweeney la socotay oo Maalintii Lixaad ka maqan.

Weli wax War ah kama soo saarin Maamulka Galmudug afduubka Ciidanka Liyuu booliis ay ku hayaan qaar kamid ah Haweenka ku nool deegaanada Gobolka Galgaduud.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media