Dhageyso:-Dagaal Khasaaro geestay oo ka dhacay Magaalada Baladweyne

Dagaal khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geestay ayaa ka dhacay qeybo kamid ah Gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay msuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka hiiraan oo uu horkacayay gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka hiiraan iyo Maleeshiyaad hubeysan waxaana dagaalka intiisa badan uu ka dhacay Xaafada Howl-Wadaag ee Magaalada Baladweyne.

Wariye ku sugan Baladweyne ayaa Radio Dalsan Muqdisho u sheegay in dagaalkaaas uu ku geeriyooday Hal Askari oo Ciidamadii dagaalmay ah halka laba qof oo uu mid kamid ah yahay Shacab uu ku dhaawacay.

Dagaalka ayaa xiliga uu dhacayay ayaa waxa Ciidamada dowladda Somaaliya ay wadeen howlgalo lagu xaqiijinayo dhanka amniga ah,waxaana howlgalkooda ka hor yimid ciidamo hab beeleed u abaabulan taas oo keentay in ay wada dagaalamaan.

Wariye Cabdishakuur oo kmid ah Wariyayaasha Magaalada Baladweyne ayaa faah faahin ka bixiyay qaarxaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media