Dhageyso:-Dadka degan Xaruntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo amar la dul-dhigay

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa maanta kormeerey xaruntii wasaaradda arrimaha gudaha oo kamid ah xarumihii dowliga ee ku burburey dagaaladii wadanka soo maray.

Xarunta wasaaradda oo ku taala degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa iminka waxaa ay hoy u tahay dad barakacyaal ah oo muddo dheer halkaas deegaameystay.

Duqa Muqdisho Eng. Yariisow, oo la kulmay dadka degan xaruntii wasaaradda arrimaha gudaha ayaa u sheegay in ay ka guuraan si dib u dhis loogu sameeyo isla markaana shacabka Soomaaliyeed loogu adeego.

Dowladda hoose ee Xamar ayaa ku howlan dib u soo celinta goobaha danta guud oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor