Dhageyso:-Dad Careysan oo Banaanbax rabshado wata ka dhigay Degmada Kaxda

Waxaa Maanta degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ka dhacay Banaanbax rabshado watay oo ay dhigayeen qaar kamid ah dadka kunool Xaafadaha kala duwan ee degmadaas.

Banaanbaxan ayaa waxaa uu yimid kadib markii saakay Ciidamo Maleeshiyaad ah oo hubeysan ay dhaawaceen Haweeney maqaayad ku laheyd gudaha degmadaas, iyagoona rasaas ku dhuftay.

Intaasi kadib Qaar kamid ah dadka degan Xaafadaha kala duwan ee Kaxda ayaa waxaa ay dhigeen Banaanbax rashado watay oo ay uga Cabanayan Ciidamo ay ku tilmaameen inay yihiin Maleeshiyaad, kuwaasi oo ay sheegeen in dhibaato ku hayaan dadka deegaanka.

Qaar kamid ah dadkii Banaanbaxa dhigayay oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegeen in Goobaha ganacsiga degmada ay xiran yihiin, isla markaana xaalada ay mid kacsan.

Sidoo kale waxaa ay tilmaameen dadkaas in dhacdada haweeneyda saakay lagu dhaawacay ay war hayaan maamulka Degmada Kaxda iyo Ciidanka Booliska, hayeeshee aysan jirin wax ay arrintaas ka qabteen.

Ugu dambeyntii Banaanbaxayaasha ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ka codsaday in wax wax laga qabto Amni darada ka taagan Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

 Hoos ka Dhageyso Codka qaar kamid ah Banaanbaxayaasha.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media