Dhageyso:-Cullimada Soomaaliyeed oo kahor-timid Sharci ay diyaarisay Wasaaradda Haweenka DFS

Kulan ay Maanta Magalada Muqdisho isugu yimaadeen qaar ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa waxa ay kaga hadleen Sharciga Jinsiyadaha oo dhawaan Wasaaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya soo diyaarisay.

Cullimada Soomaaliyeed ayaa qodobada qaar ee sharcigaas ku jira ay ku sheegeen inay ka hor-imaanayaan Sharciga Islaamka,sigaar ah qodobka Da’da Guurka iyo kufsiga.

Sheekh Cabduqaadir Yuusuf oo akhrinayay Bayaan ka soo baxay Cullimada ayaa sheegay in dhammaan qodobada hindise Sharciyeedkaas ay yihiin kuwo kahor-imaanaya Diinka Islaamka,isla markaana uu weerarayo Guurkii Nabigeena(NNKH)

Hoos Ka Dhageyso Bayaanka ay Culimada Maanta soo saareen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor