Dhageyso:-Ambasador Diinaari”Waa daciifnimo in Shirka Brussels uu noqdo mid leysku Dacweeyo”

Siyaasiga C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaalida oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa ka hadlay xiriiirka aan wanaagsaneyn ee ka dhexeeya Madaxda DFSiyo kuwa Maamul-goboleedyada.

Isaga oo wareysi siiyey Radio Dalsan ayuu sigaar ah waxa uu u soo hadal qaaday arrintii shalay ka dhacday shirka Magaalada Brussels e uu Madaxweynaha Jubbaland ku eedeeyey dowladdadhexe,arintaas ayuu tilmaamay inay ku timid faham la’aan dhinaca hannaanka Maamulka ah oo haysata madaxda qaarkood.

Arrinta ah in la isku eedeeyo shirarka caalamiga ah ayuu ku sheegay inay muujineyso dhabar jab iyo fashil siyaasadeed oo ku yimid hanaanka horumarka dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in wixii shalay ka dhacay Shirkii Magaalada Brussels ay muujineysaa in xiriirka ka dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada uusan wanaagsaneyn,isl markaana uu u arko in dowladda lagu dacweynayo Midowga Yurub.

Hoos Ka Dhageyso Codka Siyaasiga Siyaasiga C/raxmaan Nuur Maxamed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor