Dhacdo Naxdin leh:- Nin Xaaskiisa oo Xamilo ah ku gowracay Shabeellada hoose

Dadka ku nool Deegaanka Buula xaashi oo u Dhow Deeganka lambar 50 ee Degmada Awdheegle ayaa saakay kusoo toosay dhacdo naxdin leh oo bulshada halkaaasi ku nool ay la arga-gaxeen, kadib markii Hawwenay Xaaamilo ah uu Seygeedu gowracay, taasi oo ilaa hadda hadal heynteeda laga dareemayo degaanka.

Dad goobjoogyaal ah oo ku sugan halka dhacdadu ay ka dhacday ayaa inoo xaqiijiyay in Deegaanka Buula xaashi oo u Dhow Deeganka lambar 50 ee Degmada Awdheegle ay dahcdaasi xalay ka dhacday, waxaana isla goobta xalay ku geeriyooday Haweenaydii, iaydoona sababsatay gacanta Seygeeda.

Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxaa saaka gaaray Ciidanka Dowladda, kuwaasi oo isku dayay in ay gacanta ku dhigaan Ninka falka gaystay, balse waxaa la sheegay in uu ka dhaga-adeygay amarkii Ciidanka uuna Toorreey lasoo baxay, waxaana isla meesha ku toogtay Ciidankii, iyadoo hadda labada Meyd la aasayo.

Dhacdada ayaa ilaa iyo hadda waxaa lag hadal hayaa degaanka, lama oga sababta Rasmiga ah ee Ninka ku kaliftya inuu gowraco Xaaskiisa oo markaasi Xamilo ahayd.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor