Dgaaal u dhexeeya Macwiisleyda iyo Al-shabaab oo ka socda degaan hoostaga Baladweyne

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada deegaanka ee macwiisleyda loo yaqaano iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa ka socda deeganka Beer-xaano oo dhaca Koonfurta magaalada Baladweyne, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Ciidamada deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisimo ay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay  ku lahaayeen deegaanka Beer-xaano, waxaana dagaalka la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidan gurmad ah oo magaalada Baladweyne ka baxay, isla markaana uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda degmada Baladweyne Cabdiraxmaan Diini Maxamed ayaa gaaray goobta dagaalka.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo werinayaa inuu ka dhashay dagaalka socda ee u dhexeeya Ciidamada deegaanka ee macwiisleyda loo yaqaano iyo dagaalamayaasha Al-shabaab, Saraakiisha ayaan weli ka hadlin dagaalkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor