DFS oo War kasoo saartay Shil khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Masar

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Shil Tareen oo duhurnimadii shalay ka dhacay degmada Tahta ee Gobolka Sohag ee dalka Masar, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hadal-qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa waxaa tacsi tiiraanyo leh loogu diray dowladda Masar iyo shacabkeeda oo ay dad badan uga geeriyoodeen Shilkii tareen ee ka dhacay dalkaas.

Dowladda ayaa sheegtay inay garab taagan tahay Masar si ay uga gudubto saameynta masiibadan weyn, waxaana dowladda dadkii ku geeriyooday ShilkaAS Alle uga baryiday inuu u Allah u naxariisto, halka kuwa dhaawacmay ay Caafimaad deg deg ah u rajeysay.

“Soomaaliya waxa ay muujineysaa sida ay u garab taagan tahay Masar si ay uga gudubto saameynta masiibadan weyn, iyadoo u rajeynaysa dadka geeriyooday inuu Allah u naxariisto, kuwa dhaawacmayna caafimaad degdeg ah ugu deeqo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelladooda, qaraabadooda iyo inta jecel” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Inta la xaqiijiyay 32 qof ayaa ku geeriyooday Shilka ka dhacay Masar oo yimid, kadib markii ay isku dhaceen laba Tareen, waxaana ku dhaawacmay 180 qof, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka dalka Masar.

Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in Tareen nooca hawo-qaboojiyaha ama Mukayfka leh oo ka yimid Magaalada Luksar (Luxor) kuna sii jeeday Magaalada Aleskandariya (Alexandria) uu ku dhacay Tareen kale oo ay dad rakaab ah la socdeen, oo ka yimid Magaalada Aswan, kuna sii jeeday Caasimadda dalkaasi ee Qaahira.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor