DFS oo si kulul uga hadashay Go’aanka Kenya ay ku xireyso Xeryaha Qaxootiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qorshaha dowladda Kenya ay ku dooneyso in muddo 14-maalmood ah ku xirto Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab oo ay degan yihiin dad farabadan oo ay ku jiraan Soomaali.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa si klulul u Cambaareeyay Go’aanka Kenya, isagoona ku eedeyay inay isku qaldeyso Arrimaha siyaasadda.

Waxaa uu sheegay Wasiir Dubbe inuu rumeysan yahay in Kenya ay siyaasadeyneyso Arrimaha bani’aadannimada, kadib markii looga adkaaday Dacwada baddna oo ay muranka gelisay, ayna ka xun yihiin qorshaha ay wado dowladdaas.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in Xeerka Caalamiga ah uu qeexayo in Qaxootiga aan si qasab ah loogu celin karin dalkooda, marka laga reebo qofka aan doonaya inuu si shaqsi ah u laabto.

“Xaqiiqadii waxaan dareemaynaa in Kenya ay isku qaldeyso arrimaha siyaasadda iyo bini’aadanimadda, annaga waxaan diyaar u nahay soo dhaweynta qof kasta oo doonaya in uu dib ugu soo laabto dalkiisa Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Dubbe ayaa Carabka ku dhuftay inay soo dhaweynayan qof kasta oo Soomaaliyeed, isla markaana doonaya inuu dib ugu soo laabto dalkiisa, wuxuuna caddeeyay in dowladda ka xun tahay qorshaha ay wado Kenya .

Dowladda Kenya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay xireyso Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay degan yihiin Qaxooti farabadan oo ay ku jiraan Soomaali , iyagoona sheegay inay muddo 14-maalmood gudahooda ay ku xirayaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor