DFS oo mar kale ka hadashay mowqifkeeda Madax-banaanida Taiwan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mar kale ka hadlay mowqifka dowladda Federaalka ee ku aadan Madax-banaanida Taiwan ee bariga Qaaradda aasiya.

Wasiir Cawad oo wareysi siiyay Wakaladda Wararka Turkiga Anadolu News Agency  ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeedo Madax banaanida ay sheegato Taiwan, isla markaana u aqoosan yihiin Jasiirad ka tirsan dalka Shiinaha.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay xoojineyso xiriirka ay la leedahay dowladda Shiinaha, ayna muhiimad weyn u leedahay tallaabadaas.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Cawad ayuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay mar kasta diyaar u tahay inay fuliso heshiisyadii horey u dhexmaray dowladda iyo Shiinaha, kaasi oo ku saleysan dhinacyo kala duwan.

Si kastaba dowladda Federaalka ayaa horey Taiwan ugu digtay inay ku xadgudubto Madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya, kadib markii Taiwan ay heshiis toos ah la gashay Somaliland, una aqoonsatay dal Madax banaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media