DFS oo Kuxigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya ku amartay inuu dalka isaga baxo

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Kuxigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo inuu dalka uga baxo muddo todobo cisho ah gudahood.

Dowladda ayaa eedeeyn culus u soo jeedisay Simon Mulongo, waxaana sababta lagu sheegay inuu ku guda jiro howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda Amniga.

Waxaana Wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya kasoo baxday warqad Persona Non-grata loogu jaray Simon Mulongo oo ah nin aan dalka laga rabin sida ku cad warqadda.

Hoos ka akhriso Warqadda

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor