DFS oo ka hadashay xukuno lagu riday Askar ka tirsan AMISOM oo laayay Dad shacab ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xukuno isugu jiray dil toogasho ah iyo xabsi oo lagu riday Askar ka tirsan Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda oo lagu helay inay dad shacab ah ku laayeen Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xukun lagu riday 5 Askari oo loo heysto inay dad shacab ah ku xasuuqeen degaanka Golweyn.

Wasiirka ayaa sheegay in laba kamid ah Askrta lagu riday xukun dil toogasho ah, halka saddex kalena lagu xukumay 39 sanno oo xasbi ah, waxaana uu Wasiir Cabdulqaadir Maxamed xusay in Maxkamadeynta ay muddo socotay, lana soo gaba-gabeeyay.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Cadaaladda ayuu tilmaamay in Guddi uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay baarista xasuuqii dhacay ay la socdeen baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay qaabka ay uu u dhacay falkii lagu laayay 7 ruux oo ku sugnaa Golweyn.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed ayaa Carabka ku dhuftay inay kulamo la yeesheen Madaxda Midowga Afrika ee AMISOM ayna kala hadleen xasuuqii dhacay, wuxuunta intaas kusii daray inay AMISOM qiratay inay dishay dad shacab ah.

Wasiirka ayaa sheegay in fadhiga Maxkamadeynta shanta Askari ay goobjoog ka ahaayeen Wakiilo ka socday Ehelada dadka laga laayay, waxaana Ehelada dadka oo la hadlay warbaahina ay soo dhaweeyeen qaabka ay u dhacday Maxkamadeynta.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddo ka badan 20 maalmood ka socday Banaanbax ballaaran oo ay dhigayeen Ehelada dadkii lagu laayay degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoona dalbanayey inay dadkooda helaan Cadaalad

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor