DFS iyo Talyaaniga oo kala saxiixday mashruuc ku kacaya 2 Milyan oo Dollar

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda xilgaarsiinta Xil. Khaliif Cabdi Cumar, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi, ku xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula iyo Madaxa hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia, ayaa maanta si wada-jir ah u daah-furay wejiga labaad ee mashruuca horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka (PSDP).

Madasha lagu daah-furay lagu-na saxiixayay mashruuca oo uu ka soo qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale, ayaa waxa mashruuca ku baxaysa lacag dhan 2 Malyan oo dollar oo ay ku deeqday dawladda Talyaaniga.

Mashruucan, ayaa wuxuu ahmiyad gaar ah u lee yahay horumarinta qeybaha iyo hay’adaha kala duwan ee wax-soo-saarka dalka sida Beeraha, shaqo-abuurka, Kaluunka, taageerista hal-abuurka ganacsatada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha si ganacsatadu ay wax-soo-saarkeeda ugu dhoofin karto dalka dibaddiisa iyo guud ahaan horumarinta ganacsiga Soomaaliyeed.

Mashruucan ayaa waxaa hir-gelintiisa hoggaaminayso hay’adda UNIDO ee Soomaaliya, hay’adda FOA, iyo hay’adda ILO oo kaashanaya Wasaaradaha Ganacsiga, Beeraha iyo Kaluumaysiga iyo Shaqada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor