DFS iyo Africom oo ka hadlay warar sheegaya in dad rayid ah ay ku dhiteen duqeyn ay dhawaan fuliyeen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM way ka warhayaan sheegashada saxaafadda qaar oo taageero u ah Alshabaab ee ku andacoonaya in shacab wax ku noqdeen weerarkii cirka ahaa ee lala beegsaday ALshabaab meel u dhaw degmada Jammaame 10-ka Abriil, 2020.

Eedaymahaasi waa been aan waxba ka jirin oo la nooc ah kuwa ay fidiyaan Alshabaab, Xubnaha Alshabaab ee lala beegsaday duqeynta ayaa ahaa isla kuwii daqiiqado ka hor la arkayey iyaga oo foolxumeynaya meeydadka askar ka tirsan Xoogga Dalka oo ay Alshabaab ku dileen halkaa,Waxa dambiga Alshabaab galeen kasii dhigaya mid weyn ayaa ah in ay ku qasbeen dadka tuulada Koban in ay daawadaan sida foolxumada leh ee meydka loo galayey. Kolkii ay dhameysteen Alshabaab falkaasi foosha xun ee ay ka baxeen tuulada ayaa weerar cirka ah lala beegsaday maadaama ay ka fogaadeen dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Weerarkan isaga ah ayaa wuxuu caddeyn u yahay saaxiibtinimda qotodadheer ee ka dhaxeysa Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka iyo sida ay xilweyn isaga saarayaan ilaalinta waxyeelo soo gaadha nolosha dadka rayidka ee halkaa ku sugan.

Ilaalinta nolosha dadka rayidka oo ay ku dadaalayaan Dowladda Soomaaliyeed iyo Dowladda Mareykanka ayaa aad uga duwan Alshabaab ayaa lagu yiri qoraalka iyada oo lagu baabi’yey goobo dagaal, sida tii looga xoreystay Jannaale bishii Maarso. Alshabaab kolkii ay soo wajahday guuldarrooyin isdabajoog ah ayay ka badanwaayeen cadowtinimo ay kula kacaan shacabka iyo borobagaando been ah oo ay ku qarinayaan guuldarrooyinkoodam ayaa markale lagu yiri War-saxaafadeedka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media