Dowladda oo War kasoo saartay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay Qaraxyo xoogan oo saakay ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, kuwaasi oo geystay Khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War-saxaafadeed kaasoo baxay dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu Cambaareeyay Qaraxii miinada ahaa ee ka dhacay Goobo Maqaaxi ah oo ku taalla duleedka Baydhabo, waxaana dowladda tacsi u dirtay Ehelada dadkii halkaas ku geeriyooday.

Ugu yaraan 5 qof oo la sheegay inay shacab ah ayaa ku geeriyootay qaraxii ka dhacay duleedka Baydhabo, isla markaana waxaa ku dhaawacmay tirro dad kale, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo Xarun oo ku taalla halkaas.

Dhinaca kale Dowladda Federaalka ayaa ka hadashay qaraxii loo adeegsaday gaariga laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ee lagu weeraray Xarunta Laanta Canshuuraha Booliska ee ku taalla kasoo horjeedka Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Lix Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qaraxaas ka dhacay Muqdisho, halka uu ku dhintay ruuxii waday gaarigii ku qarxay Xarunta Laanta Canshuuraha Booliska.

 

Hoos ka Akhriso Qoraalka Dowladda kasoo baxay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media