DF iyo QM oo bilaabay xog ururin ku saabsan nidaamka cunto ee Soomaaliya

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo beerahaee FAO iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa bilaabay wada-hadaladii ugu horreeyay ee loogu diyaargaroobo Shir-weynaha Qaramada Midoobay ee bishaan looga hadlaayo nidaamyada cuntada ee dunida.

Wadahadaladaan hordhaca ah ee ka bilaabmay gudaha dalka, waxaa loo qorsheeyey in lagu qabto xarumaha dowlad goboleedyada iyo Caasiadda Muqdisho, si gabagabada loo helo waddo loo maro wax ka qabashada caqabadaha ku yimaada nidaamka cuntada ee Soomaaliya.

Wada-hadallada la xiriira Nidaamka Cunnada Soomaaliya oo ka billowday jubada-hoose, waxaa ujeedku yahay in ka qeybgalayaashu ay fikrado ku biiriyaan shirweynaha Qaramada Midoobay ee looga hali doono caafimaad qabka cuntada .

Shir madaxeedka Qaramada Midoobay ee bishaan ka dhacaya Magaalada New York ayaa la filayaa in looga hadlo Helidda nidaam cunto caafimaad leh, waara iyo hagaajinta nidaamyada cuntada ,si sanadka 2030  loo gaaro Yoolalka Horumarka la hiigsanaayo .