Derbi kusoo dumay Carruur yaryar iyo faah faahin kasoo baxeysa 

Saddex Carruur ah ayaa ku dhaawacmay derbi kusoo dumay Guri ay ka deganaayeen xaafad ka tirsan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka helayno.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay kusoo warrameen in xalay deriga uu kusoo dumay Carruur yaryar oo ku sugnaa hoygooda oo ku yaalla xaafadda Karinta Daami ee degmada Gacan Libaax ee Magaalada Hargeysa.

Ciidamo ka tirsan Waaxda dab demiska Somaliland ayaa si deg deg ah  guriga u gaaray, iyagoona halkaas ka qaaday dhaawacyada saddex Carruur, isla markaana geeyay Isbitaalka Magaalada, si loogu dabiibo.

Carruurta ay waxyeelada kasoo gaartay derbiga kusoo dumay ayaa waxaa da’adoodu lagu kala sheegay inay u dhexeeyso 5 Jir ilaa 10 sano jir, waxaana xiligaas la tilmaamay inay Guriga la joogeen waalidkooda.

Inta badan darbiyada ayaa duma, xiliyada ay roobabka da’aan, waxaana xusid mudan in saacadihii lasoo dhaafay ay roobab mahiigaan ah ka da’ayeen Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland iyo deegaano kale oo ka tirsan Maamulkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor