Deni “Puntland ma aqoonsan doonto Natiijada kasoo baxda Shirka Jabuuti”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta si rasmi ah u daah-furay Kal-fadhiga 46-aad ee Baarlamaanka maamulkaas, isagoona Munaasabdda furitaanka ka jeediyay Khudbad uu uga hadlay Arrimo kala duwan.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Shirka shalay Magaalada Jabuuti uga furmay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni in Puntland aysan aqbalayn wada-hadal lala galo Somaliland oo aysan maamulkiisa qeyb ka ahayn, isla markaana arrintaas laga leeyahay darro ah oo siyaasadeed.

Sidoo kale Deni ayaa waxaa uu tilmaamay in Puntland ay aheyd in laga qeyb geliyo wada-hadalka, hayeeshee arrintaas aysan dhicin, isagoo ku eedeeyay Madaxda dowladda Federaalka inay ku xad-gudbiyeen Dastuurka dalka.

“Wadahadalkasta oo Somaliland lala galo oo aanaan qeyb ka ahayn ma aqbalayn annaga ayaa xuduud naga dhaxaysaa, waxayna aheyd in Puntland laga qeyb geliyo oo doorsiiyo gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay in Puntland aysan aqoonsan doonin Natiija kasta oo ka soo baxda wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ku yeesheen Magaalada Jabuuti.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media