Deni oo xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal mid cusubna magacaabay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee 2da October 2021, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1- Waxaa Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas Cawil Axmed Jabuuti.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor