Deni oo Shir Guddoomiyay kulanka Golaha Xukuumadda iyo sharciyo la ansixiyay  

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey Shirka 23-aad ee Golaha Xukuumadda  Dowladda Puntland.

Kulanka oo Madaxweynaha uu ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa looga hadlay xaaladda degmooyinka Puntland, Saameynta duufaanta GATI, Ansixinta Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Hab-raaca samaynta siyaasadaha Hay’addaha Dowladda.

Golaha ayaa ka dooday kadibna ansixiyey soojeedinta Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta ee wareejinta degmada Xaafuun, oo lagasoo wareejiyay Gobolka Karkaar lana hoosgeeyay Gobolka Bari.

Golaha Wasiirada ayaa ka dooday oo ugu danbeyna ansixiyey Hab-raaca samaynta siyaasadaha Hay’addaha Dowladda, oo todobaadkii hore ay Madaxtooyadu usoo gudbisay Golaha.

Sidoo kale Goluhu wuxuu ansixiyey Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Garyaqaanka Guud oo todobaadkii hore Golaha loo qeybiyey, maantana laga dooday.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa warbixin looga dhegaystay Guddiga loo xil saaray saameynta ka dhalatay duufaanta GATI ee ku dhufatay xeebaha Puntland, Guddiga ayaa Golaha la wadaagay warbixinta khasaaraha ka dhashay duufaanta iyo baahiyaha ka jira deegaanka si gurmad loo gaarsiiyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media