Deni oo Muqdisho soo gaaray iyo wararkii ugu dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdulalahi Deni ayaa goordhaweyd soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,xili lafilayom in saacadaha soo aaddan uu si rasmi ah u billaowdo shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu soodhaweyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana sidoo kale uu noqonayaa Mas’uulkii ugu dambeeyay ee Muqdisho soo gaara, xili dhammaan mas’uuliyiinta ka qayb galaysa Shirka ay dhammaantood Muqdisho soo gaareen.

Shirka ayaa ka furmaya Tendhada Afisyooni waxaana ka qayb galaya Madaxda Dwoaldda iyo sidoo kale Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada iyo Guddoomiyaha Gobolkani Banaadir.

Waxaana shirkaan diiradda lagu saari doona arrimaha ku aaddan doorashooyinka dalka, oo hadda biilawday, waxaana lagaga arrinsan doonaa qodobbo dhowr ah oo la sheegay in ay la xariiraan doorashada dalka ka dahcaysa, iyadoo la filayo in ay is beddal ku sameeyaa qaar ka mid ah Qodobadii ay horay uga soo saareen shirkii kan ka horreeyay ee Afisyooni lagu kala saxiixday.

Horay shirka Golaha Wadatshiga qaran ayaa loogu ballansanaa in khamiistii aynu soo dhaafnay uu furmo, balse dib u dhaca ayaa ku yimid, madaxda qaar oo dalka ka maqnaa awgeed, waxaana dib loo shaaciyay in shirku uu si toos ah u furmayo maanta oo sabti ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor