Deni oo Magacaabay Garsoorka Maxkamadda sare ee Ciidamada Puntland

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 , 16ka May 2020, kuna saabsan Dib-u-dhisidda   Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad, faqraddiisa 19aad.

Markuu arkay: Qodobka 87aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda Shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare. Maxamuud Cabdi Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus

2. Waxaa G/sare. Cawil Jaamac Nuur loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus

3. Waxaa G/sare. Maxamed Cabdi Bootaan Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

4. Waxaa G/le. Keenadiid Cabdicasiis Axmed loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

5. Waxaa G/sare. Cali Faarax Caydiid loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

6. Waxaa G/sare. Cabdi Cali Jaamac loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

7. Waxaa G/sare. Maxamuud Faarax Maxamed loo magacaabay Xeer Ilaaliye Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media