Deni oo kulan la yeeshay Wafdi ka socday Guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay guddiga u qareemayasha Kootada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Kulanka ayaa  looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sidii Haweenku uga heli lahaayeen kooto ku filan Baarlamaanka, waxaana Guddigu uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland fursada uu Puntland kasiiyay Haweenka iyo sida uu kooto uga siiyay xubnaha Aqalka Sare ku metala Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay guddiga kaalinta ay Haweenku ku leeyihiin dhismaha dowladdnimada Soomaaliyeed, isagoo xusay in Puntland ay tixgelinayso kootada Haweenka, si ay uga qeyb galaan doorashooyinka dalka.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Batuulo Shiikh Axmed Gabale oo hoggaaminaysa Guddiga, xubno guddiga ka mid ah, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Puntland.

Wafdi ka socday Guddiga uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta u magacaabay xaqiijinta qoondada Haweenka ayaa horey kulan kula qaatay Madaxda maamul Goboleedyada, iyagoona ka dalbaday xaqiijinta qoondada Haweenka, si ay uga qeyb galaan doorashooyinka.