Deni oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay Mas’uuliyiinta ku sugan Garoowe

Madaxweynaha maamulka Puntland Sidciid Cabdulaahi Deni ayaa xalay kulamo kala duwan la yeeshay Madaxda ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana dhammaan kulamadasi ay ahayeen kuwo gaar gaar ah oo uu Deni la yeeshay Mas’uuliyiinta kala duwan ee ka qayb galaya shirka ka furmi doona Garoowe.

Deni ayaa la kulmay Madaxda Mucaaradka ah, waxaana uu si gaar ah ula kulmay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dowladda Soomaaliya  Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed  Shariif Xassan Shiikh Aadan, waxaana ay ka wada hadleen arrimo la xariira siyaasadda dalka.

Sidoo kale Deni ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda dowlad Goboleedyada, waxaana xalay uu la kulmay Madaxweynayaasha kala ah, Madaxweynaha  Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, oo uu ku booqday hoygiisa, waxaana isla xalay la kulamay Madaxweynaha  Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Maamulka Punland ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, isagoo kulamo la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee DFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guulleed.

Mas’uuliyiinta ku sugan Garoowe ayaa ka qayb galaya Shirka Madal sanadle ah oo inta badan looga hadlo arrimaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in maanta uu ka furmo Magaalada Garoowe ee Xarunta maamul Goboleedka  Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media